Madaxtooyada dowlad goboleedka Jubaland, ayaa si kooban uga warbixisay, Shirka Iskaashiga Puntland iyo Jubaland oo Sabtida maanta ah ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Shirka waxaa ka qeyb-galaya madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ay weheliyaan wasiiro ka socda labada dhinac, waxaana looga wada-hadlayaa iskaashiga labada dowlad goboleed, arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-da, Sharciga Batroolka, dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka iyo khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.
Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Jubaland,loogana warbixiyay shirkaasi ayaa lagu sheegay in uu ku saabsanyahay arrimaha ku qotoma iskaashiga labada dowlad goboleed ee dhinacyada amaanka iyo horumarka, sidoo kalena looga hadlayo guud ahaan Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna dib u-eegista Dastuurka KMG ah iyo Sharciyada doorashooyinka iyo Batroolka.
“Shirkan ayaa ah mid ku qotoma iskaashiga labada Dowlad Goboleed ee dhinacyada amaanka iyo Hormarka waxaa kale oo shirkan lagaga hadlayaa Arimaha Siyaasada gaar ahaan dib u eegista Dastuurka Sharciyada Doorashooyinka iyo qaybsiga khayraadka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.