Haweeney ka mid noqotay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu dambeyn doortay Guddoomiye ku xigeenka labaad, oo ay noqotay Haneeney.

Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ah xildhibaan Faadumo Cabdi Cali (Faandhe) iyo xildhibaan Maxamed Axmed Maalin, waxaana ku guuleysatay Faadumo Faandhe.

Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Faadumo Cabdi Cali ay heshay 47 cod, halka musharaxii la dartamay Maxamed Maalin uu helay 41 cod.

Faadumo Faandhe ayaa noqoneysa haweeneydii labaad ee Guddoomiye ku xigeen ka noqota Baarlamaanada dowlad goboleedyada, horey ayey Haweeey uga mid noqotay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle.

Doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa la soo gabagabeeyey, waxaana maalmaha soo socda la dooran doonaa Madaxweyne iyo ku xigeen.

PUNTLAND POST