Wararkii u dambeeyay ee doorashada Galmudug

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Khamiis ah  dhegaystaan khudbad jeedinta  musharixiinta u tartamaya xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa laga soo xigtay in ay shalay si rasmiya u diiwaan-geliyeen 7 musharrax oo u tartamaya xilka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeennada Baarlamanka cusub ee Galmudug.

Saddex kamid ah musharrixiintaasi oo lagu kala magacaabo; Xil. Cabdullaahi Axmed Calasow, Xil. Abdinaasir Aadan Cusmaan iyo Xil. Maxamed Nuur Gacal ayaa u tartamaya xilka guddoomiyaha Wakiilada Galmudug.

Sidoo kale guddoomiye kuxigeennada kowaad iyo labaad aya waxa u tartamaya u taagan Afar Musharax, waxaana qorshaysan in doorashada guddoonka Baarlamanka Galmudug ay dhacdo Jimcaha berriya.

PUNTLAND POST