Khilaafkii ka jiray Guddoomiyaha Bankiga Puntland oo la dhameeyey

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeeen ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Puntland Abdirisaaq Warsame Seeraar iyo Gudoomiyihii hore Cabdi ismaaciil Boos.

Inkastoo aan war rasmi ah ka soo bixin kulanka ayaa hadana warar hoose oo ay heshay Puntland Post sheegayaan in la dhameeyey khilaafkii ka taagaa Guddoomiyaha Bankiga Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi ismaaciil Boos oo shalay sharci darro ku tilmaamay magaacaabida Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Puntland uu haatan ogolaaday in uu xilka ku wareejiyo.

Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Puntland Abdirisaaq Warsame Seeraar ayaa lagu wadaa in uu maalinta Sabtida ah si toos ah xilka ula wareego.

PUNTLAND POST