Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in ay dacwad ka gudbisay Maraakiib laga leeyahay dalal Shisheeye oo kalluumaysi sharci-darro ah ka wada Xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda dowladda Federaalka Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa warbaahinta u sheegay in xeebaha dalka uu weli ka socdo jariifka ay geysanayaan Maraakiib laga leeyahay dalal Shisheeye oo aan xiriir la lahayn dowladda Soomaaliya.
“Dhibaatada xun waxaa nagu haya maraakiib calanka wadamada kale sidata oo aan xiriir la lahayn Soomaaliya iyo maamulada, warbixino ayaan ka gudbinaa, qaarkood waa laga saarey badda, qaarna waa la qabtay” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiir Bidhaan, ayaa sidoo kale xusay in dalka Iran oo aan Soomaaliya xiriir la lahayn uu kamid yahay dalalka sida joogtada ah Maraakiibtoodu ugu soo xad-gudbaan Xeebaha Soomaaliya. Maraakiibta jariifka ka wada xeebaha dalka ayaa ku goosha calamada waddamo kale, sida wasiirku tilmaamay.
PUNTLAND POST