Boqor Burhaan oo La Kulmay Xaakimka Raas Al-Khaymah ee waddanka Imaaraadka Carabta

Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqorka Beelaha Soomaaliyeed ahna Boqorka Beesha Daarood ayaa maantay wuxuu kula kulmay Qasriga Xaakimka Imaaradda Raas Al-Khaymah ee Dowladda Imaaraatka Carabta, Sucuud Bin Saqar Al-Qaasimi,

labadaan Boqortooyo ayey ka dhaxaysaa Taariikh Soo-jireen ah oo aad u dheer oo ka badan 300 oo sano. Labadaan boqor ayaa awoowayaashood ka dhaxaysay xiriir walaaltinnimo, Boqoradii ka horreeyey ayaa lahaa xiriiro siyaasadeed iyo ganacsi, waxay taa saameyn taban ku yeelatay xiriirka labada dawladood tan iyo xilligii laga xoroobay gumeystihii reer galbeedka.

Waxay ka taariikheeyeen Xiriirka labada dal intii dawladnimadu jirtay inuu aad u wanaagsanayd waxaana booqashooyin rasmi ah ku tagay Soomaaliya Madaxdii Dawladda Sheekh Zaayid iyo Sheekh Saqr Alqaasimi oo raggaan maantay boqorka wada kulmeen, waqtigaas ayagoo dhalinyaro ah la socdeen Madaxdaas aan soo xusnay.

Waxay la socodsiiyeen Boqorka, inuu Emiraatku ku weyntahay Soomaaliya, waxayna kula taliyeen inuu ka qaato qeyb libaaxle wadajirka iyo Soomaaliya siday u sii wanaagsanaan lahayd, hoggaankiisa qabiilka ismaaciiliyiinta la yiraahdo ee carabta iyo geeska afrikaba ku baahsan, lagana faa’iideeyo saameyntay leedahay.

Boqorku wuxuu ugu mahadceliyey sida weyn ee ay u soo dhoweeyeen, wuxuu ku qadarinta iyo walaaltinimada walaalahooda carbeed kala dhaxaysa, wuxuu balan qaaday dhiniciisa inuu ka adkayn doono xiriirka taariikhiga ah ee labada boqortooyo iyo tan iskaashiga ee labadeenna dalba, Boqorka oo safarkiisii ugu horreeyey halkaa ku tagay ayaa sheegay inuu joogteyn doono booqashada, Waxaa xusid mudan inuu boqorka xiliga uu soo ifbaxay khilaafkii dawaldaha gacanka carbeed ee labo sano ka hor inuu soo saaray Bayaan Dhaqan uu ku baaqayo in la ilaaliyo walaaltinamada iyo wadajirkooda.

Boqorka waxaa ku weheliyey booqashada Qunsulka Safaaradda Soomaaliya Cumar Cabdicasiis, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray dalka imaaraatka Cabdiraxmaan Cismaan Cumar iyo wafdi kale oo balaaran.

Hoos ka eeg sawirada oo dhan

PUNTLAND POST