Somaliland oo war ka soo saartay 6 Nin oo ay toogasho ku fulisay

Xabsiga Mandheera ee Somaliland

Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah dil toogasho ku fulisay Lix nin oo horey u xukunaa, kuwaaas oo qaarkood muddo dheer xabsi ku jiray.

Lixda nin ee Somaliland toogatay ayaa saaka toogashadoodu ka dhacday jeelka wayn ee Mandheera oo ku dhow magaalada Berbera.

Magacyada ragga ay Somaliand toogashada ku fulisay iyo deegaanada ay ka soo kala jeedaan ayaa ah sidan.

1-Farxaan Maxamed Xasan (Buuhoodle )

2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd (Burco)

3- Axmed Ibraahin Faarax (Burco)

4-Khadar Aleel Xirsi (Gabiley)

5- Xasan Muxumed Cismaan (Hargeysa)

6- Caydaruus Khadar Haybe (Hargeysa)

Dhanka kale war ka soo baxay xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa lagu soo bandhigay tirada dadka xukunka dilka ah lagu fuliyey, magacyadooda iyo dambiyada loo haystay.

Waxaanu warka xeer ilaalintu Somaliand u qornaa sidan:-

Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ismaaciil Faarax maxamad.

3: Gacan kudhiigle khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Siyaad Cabdi muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.


Waxaa dilkaas toogashada qisaasta ah lagu fuliyey goob fagaare ah, taas oo ka soo jorjeeda Xabsiga Mandheera.

PUNTLAND POST