Puntland iyo Itoobiya oo shir ku yeeshay Wardheer

Magaalada Wardheer waxaa dhacay shir looga arrinsanayey adkaynta iskaashiga nabbada iyo xuduudaha dowladda Itoobiya, gaar ahaam dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Shirka ayaa looga wada hadlay sidii layskaga kaashan lahaa amniga iyo nabbadgalyada labada dhinac, horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha, waxaa sidoo kale looga hadlay ka hortaga iyo maaraynta qulqulka muhaajiriinta labada dhinac, gaar ahaan Itoobiyaanka u tahriibaya gudaha Puntland.

Puntland shirkaas waxaa uga qeyb galay wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Maxamed C/raxman Dhabancad, ayna ka mid ahaayeen Cabdulaahi Cabdi Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Cabdiqafaar Cilmi Xaange Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta dhaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi, Mukhtaar Jayte oo ah Agaasimaha nabad sugida, Khalif Ciise Mudan oo ah Lataliye madaxweynaha Puntland, Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore iyo Gudoomooiyaha gobolka Cayn Mudane Guuleed.

Dhanka Itoobiya waxaa uga qeyb galay wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Militariga Federaalka ee qaybta Hararge ee Bari General Sawdu Balay, ayna kamid ahaayeen ku xigeenka hogaanka DDS, Taliyaha ciidanka gaarkaa ee DSS, Taliye ku xigeenka Booliska DDS, Qunsul dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland General Mabratu, Gudoomiyaha gobolka Doollo iyo saraakiil maamul iyo hay’adaha Amniga ee heer Federaal iyo mid deegaanba ah.

PUNTLAND POST