Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Galmudug, ayaa maanta shaaciyay Shuruudaha laga doonayo musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Golaha Wakiilada Maamulkaasi.
Shuruudaha Guddiga waxa kamid ah; in qofka tartamaya leeyahay tacliin gaarsiisan Shahaado jaamacadeed ama waaya-aragnimo u dhiganta iyo in uu leeyahay ugu yaraan 5 sano oo waaya-aragnimo hoggaamineed iyo mid maamul ah.
Sidoo kale, Shuruudaha waxa ku xusan in Tartamuhu uusan gelin fal-dambiyeed uu ku mutaystay xukun maxkamadeed iyo in uu Guddiga Doorashada u soo gudbiyo Taariikh nololeedkiisa.
Musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Baarlamanka Galmudug, ayaa laga doonaya in ay barnaamijyadooda siyaasadeed u soo bandhigaan xildhibaannada cusub ee Galmudug ka hor inta aysan dhicin Doorashada Guddoonka.
Dhinaca kale, Musharixiinta Guddoomiyaha, ayaa laga rabaa in ay bixiyaan lacag dhan $ 10, 000 Dollar, Musharrixiinta Guddoomiye ku xigeenka kowaad ayaa Iyana laga doonaya $5,000 oo Dollar, halka kuwa Guddoomiye ku xigeenka labaadna laga rabo $2500 oo Dollar.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.