Maraykanka oo waddankiisa ka eryay 21 askari oo Sacuudiga u dhashay

Dowladda Maraykanka ayaa dalkeeda ka soo eriday 21 askari oo ka tirsan ciidanka Sacuudiga, kuwaasi oo tababar ku qaadanayey gudaha  waddanka Maraykanka.

Askartaasi ayaa la soo eryay, kadib markii mid kamid ah ciidamada Sacuudiga ee tababarka loo geeyay Mareykanka uu toogasho u geystay askar kale oo Maraykanka u dhashay.

Balse, 21 askari ee lasoo eryay laguma eedeynin in ay ku lug lahaayeen, toogashadii uu mid kamid ah u geystay askar Ameerikaan ah, inkastoo  xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr uu sheegay in askartaas lagu arkay qalab looga shakiyay in ay adeegsadaan kooxaha argagixisada ah.

3 ka mid ah shaqaalaha ciidamada badda ee Mareykanka ayaa la dilay, 6 kalena waa la dhaawacay, taas oo keentay in hakad la geliyo tababarka uu Mareykanka gudaha dalkaas ku siinayay ciidamada Sacuudiga.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in falki toogashada ee ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Pensacola uu ahaa mid aragagixiso.

PUNTLAND POST