Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta ansixiyay sharciga saxaafadda dalka

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Sharciga Saxaafadda dalak, oo ay hor geysay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka lagu ansixiyay Sharcigaan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda Warfaafinta.

Kadib dood dheer oo Goluhu ka yeeshey sharcigaasi warbaahinta iyo sidii loo ansixin lahaa ayaa ugu dambeyntii, waxay isku raaceen in si rasmi ah loo meel mariyo.

Wasaaradda warfaafinta, ayaa sheegtay in Sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay  warbaahinta dalka, waxaana horay u soo ansixiyay xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST