Askari qof shacab ah ku dilay Dhuusamareeb oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya, ee ku sugan magaalada  Dhuusamareeb, ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen askari xalay qof shacab ah ku dilay gudaha degmadaasi Dhuusamareeb.

Qofka askarigu dilay oo watay mooto bajaaj, ayaa magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Maxamed Maxamuud, waxaana eheladiisa laga soo xigtay in uu dhegool ahaa, iyadoo askarigaasina dilay, kadib markii uu maqli waayay amarro uu siiyay.

Askariga dilka geystay, oo la xaqiijiyay in uu ka tirsanaa ciidanka Nabad Sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xabsiga la dhigay, si baaritaan loogu sameeyo falkaasi uu geystay.

Amniga magaalada Dhuusamareeb oo isu diyaarinaysa doorashada madaxtinimada Galmudug, ayaa si weyn loo adkeeyay, inkastoo la sheegayo in dhacdadaasi xalay ay saamayn ku yeelatay magaalada.

PUNTLAND POST