Malayshiyaadka Al-shabaab oo dad ku laayay fagaare ku yaalla Sablaale

Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa fagaare ku yaalla degaanka Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose, waxay  ku toogteen afar nin oo ay ku eedeeyeen, in ay ka tirsanaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa halkaasi ku toogatay Ayuub Xassan Buraale oo da’diisu tahay 23 jir, Xassan Cusmaan Cali (Abayle ) iyo Xassan Faarax Maxamed oo da’doodu tahay min 40 sano, iyo sidoo kale Xuseen Xassan Geelle oo 30 jir ah.

Kooxda ayaan soo bandhigin ,wax caddaymo ah oo muujinaya in raggaasi la toogtay ay ka tirsanaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya, marka laga reebo eedaynta loo jeediyay.

Al-shabaab ayaa bulshada degaanka ku amray, in ay isu’gu soo baxaan fagaaraha lagu tooganayey afarta nin, si ay u daawadaan qaabka loo fulinayo dilkooda, taasi oo ay ku cabsi gelinayeen dadka degaankaasi.

PUNTLAND POST