Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Muuse Biixi u geystay gacan-qaad iyo aflagaado

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Somaliland ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu u geystay gacan-qaad iyo aflagaado.

“Madaxweynuhu wuu ila dagaalamay 27-kii bisha, waan qarinaynay, dalka dantiisa ayaan ka ilaalinaynay, lama maqal, xafiiskiisa ayuu igula dagaalamay hooyadayna caayey, intuu igu soo tuuray caag, hooyadaa waxaas ku samee buu yiri, laadna igula soo orday, yaa la sheegin baa la yiri, laakiin hadda waan sheegaynaa” ayaa yiri Faysal Cali Waraabe.

Mar la weydiiyey waxa keenay in ay isu gacan-qaadaan isaga Muuse Biixi ayuu Faysal ku jawaabay “waxaa isu kaaya keenay Ramaax (masuul ka tirsan Ucid) oo waaran loo soo jaray, wuxuu yiri waa sharci, ana waxaan iri sharci maahee waan is difaacaynaa”.

Dhanka kale warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in isu gacan-qaadka Muuse iyo Faysal ay ka dambeysay, markii bishii November ee sanadkii hore uu Guddoomiyaha xisbiga Ucid sheegay in qoyska Muuse Biixi ay Somaliland ka dhigteen dukaan.

Sidoo kale waxaa maalmihii la soo dhaafay la isla dhexmarayey Somaliland in qoyska Muuse Biixi ay dacwad ka gudbiyeen Faysal Cali Waraabe, iskastoo isagu sheegay in dacwadaasi aysan soo gaarin.

Faysal Cali Waraabe ayaa lagu eedeeyaa in uu u janjeero dhanka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

PYNTLAND POST