Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Al-shabaab kala wareegay degaanka Tooratoorow

Wararka ka imaanaya degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Degaankaasi oo ay horay gacanta ku hayeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab, ayaa la soo weriyay in ay la wareegeen cutubyo ka tirsan Guutada DANAB ee Kumaandooska dowladda Soomaaliya.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegaya in ay degaanka isaga carareen, kadib markii cabsi ka soo wajahday ciidamada aadka u qalabaysan ee Kumaandooska DANAB.

Degaanka Tooratoorow, waxaa ku taallay xarunta ugu muhiimsan ee Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeellada Hoose, waxaana halkaasi uga furnayd maxkamad ay ku kala xukmaan bulshada degaanka, islamarkaana ay uga yeeri jireen dadka ku sugan gobollada kale ee wax isku haysta, si ay ugu kala xukmaan.

Sidoo kale, Tooratoorow, waxay Alshabaab u ahayd xarunta ugu weyn ee ay ku uruuriyaan canshuuraha uga soo xerooda gobolka Shabeellada Hoose iyo meela kaleba.

PUNTLAND POST