
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, oo looga warbixiyay kulanka Ra’iisul wasaare Khayre iyo Mr Swan, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen Arrimaha mudnaanta Qaran u leh Soomaaliya sannadka 2020-ka iyo sida ugu habboon ee Qaramada Midoobay u taageeri karto.
“Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre – labada masuul ayaa ka wada hadlay qodobbo ay ka midyihiin arrimaha mudnaanta qaran leh ee 2020 iyo sida ugu habboon ee Qaramada Midoobay u taageeri karto ahdaafta dalku uu leeyahay” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.