Madaxweyne Deni ayaa si ku meel gaar ah ugu magacaabay G/le. Cabdiqani Axmed Maxamed gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday G/sare. Cawil Axmed Faarax iyo xeer ilaaliyihi maxkamada ciidamada.
Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa G/le. Cabdirashiid Maxamed Cabdi si ku meel gaar ah ugu magacaabay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
Hoos ka akhriso Dikreetada Madaxweynaha
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xil-kaqaadis iyo magacaabis Ku Sameeyay Guddoomiyaasha iyo Xeer-ilaaliyaasha Maxkamadaha Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.
Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland
Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalo-darro oo ka imanaya mas-uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.
Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddoonka iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa G/le. Cabdiqani Axmed Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
- Waxaa G/le. Cabdirashiid Maxamed Cabdi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.
- Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Guddoomiyaha iyo Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Kuwaasi oo kala ah:
3.1. G/sare. Cawil Axmed Faarax Guddoomiye
3.2. G/sare. Cabdullaahi Xirsi Cilmi Xeer-ilaaliye
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD