Ciidamada Militariga waddanka Iran, ayaa qirtay in ay si kamma’ ah u toogteen diyaarad rakaab oo laga lahaa dalka Ukraine,sida laga soo xigtay Telefishinka dowladda Iran.
War kooban oo saaka laga sii daayay Telefishinka Qaranka Iran, ayaa lagu sheegay in ciidamadu, ay si aan ula kac ahayn u soo rideen diyaaradda, islamarkaana dadkii mas’uulka ka ahaa falkaasi lala xisaabtami doono.
.Dowladda Iran, ayaa horay u beenisay warar sheegayay, in diyaaradda ay soo dhacday kadib markii uu haleelay gantaal ay rideen ciidamada Militariga dalkaasi.
Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii, waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176.
Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay horay u sheegay in diyaarada ku dhacday Iran uu haleelay gantaal ay rideen ciidamada Iran.
PUNTLAND POST