Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri-galiyo ciidamada Jubbaland ee halkaas saldhiga ku leh oo maalmahii lasoo dhaafay fuliyay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Axmed Madoobe oo qayb kamid ah ciidamada kula hadlay halkaas ayaa sheegay in howlgaladii u dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamadu ay tusaale u ahayd sida ay uga go’antahay xoraynta dalka, isagoo xusay in tobaneeyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab howlgaladaas lagu dilay, sidoo kale qaar nool gacanta lagu hayo iyaga iyo hubkoodii.

Waxaa uu xusay Madaxweynaha Jubbaland in ciidamada Jubbaland ay yihiin kuwo naftooda u huraya sidii nabadgalyada iyo daganaanshaha gacan adag loogu qaban lahaa, mar walba ay usii adkayanayaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Caalamiga ah.

Waxaa kale oo Axmed Madoobe sheegay in deegaankan laga hirgaliyay Adeegyo kala duwan oo aan jirin kahor intaan Al-Shabaab halkan laga xorayn sida caafimaadka,Waxbarashada, biyaha iyo adeegyo kale taas oo uu sheegay in lagu gaaray nabada iyo doorka dadka deegaankan ay ku leeyahiin garab istaaga ciidamada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Argagixisada lagaga adkaan karo in loo midoobo wuxuuna ugu baaqay dhamaan dhinacyada ay qusayso in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab si dhibaatada looga dulqaado shacabka, wuxuuna intaas ku daray in dhibaatada dhinaca Amniga ee ka taagan qaybo badan oo dalka kamid ah loo baahan yahay in dhab loo wajaho.

Madaxweynaha Jubbaland waxaa booqashada Cabdalla Biroole ku wehelinayay Sarakiisha Ciidamada iyo Wasiirka Cadaalada, Garsoorka iyo Arimaha diinta Maxamed Yusuf Cumar.

PUNTLAND POST