Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Biixi iyo James Swan?

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan.

Madaxweynaha, ayaa wefdiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxa uu kulan kula qaatay  xarunta madaxtooyada,  waxaana kulankaasi diirradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xiriirka  wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyey in madaxweynaha Somaliland uu  wakiilka qaramada midoobay u guntay farriimo kala duwan oo la xiriira  horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay.

Waxyaabo badan baa kulanka lagaga wada hadlay, arrimo badan baa la isla soo qaaday oo ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen, arrimaha ugu muhiimsanna waxa kamid ah waxa ay Somaliland u gudbisay wakiilka inuu xoghayaha guud ka gaadhsiiyo farriimo ay kamid yihiin in muddo Soddon sanno ah ay Somaliland hanatay oo ka shaqaysay qaddiyaddeeda iyo madax-bannaanideeda oo ay danaheeda dhammaamtood.” Ayuu yiri Faratoon.

Wasiirka aya sidoo kale sheegay in xukuumadda Somaliland ay muujisay walaaca ay ka qabto kaalmada ay Qaramada Midoobay iyo dalalka kale ee caalamkuba bixiyaan Somaliland oo sida uu sheegay aan gaarsiisnayn halkii la rabay.

 “Waxa kale oo aanu wakiilka ka codsannay inuu farriin ahaan u gudbiyo xoghayaha qaramada midoobay in saluug weyni nagaga jiro waxtarka, dhaqaalaha iyo deeqaha laga helo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo dalalka kale ee caalamka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ku jira, haddii ay tahay dhinaca dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo caawinta iyo arrimaha ay bulshadu u baahan tahay ee waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha”.

Dhinaca kale , wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan, oo isaguna kulanka kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay  in ay Qaramada Midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan hawlaha shaqo iyo mashaariicda ay ka wadaan gudaha Somaliland.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada

PUNTLAND POST