Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa ka horyimid hannaanka loo wado dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, kadib markii uu sheegay in dowlad goboleedyada dalka aan lagala tashan, dib u-eegista lagu samaynayo qodobada masiiriga ah ee Dastuurka.
“ Waxaa muuqata in Dastuurku noqday mashruuc aan dhammaanayn, Puntland waxay caddaynaysaa haddaba, in aysan ku qanacsanayn Nidaamka dib u-eegista Dastuurka, oo ay ahayd in uu ku salaysnaado wada-tashi iyo wada-xaajood siyaasadeed oo loo dhanyahay.” Ayuu yiri Deni.
Madaxweynaha ayaa sheegay, in dowladda Federaalka Soomaaliya, aysan wax wada-tashiya ka siin dowlad goboleedyad hannaanka dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka oo u baahan in siyaasad ahaan looga heshiiyo, maadaama uu ku jiro arrimaha masiiriga ah.
Mudane Deni, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay noqotay wax qofkii yimaada meesha uu rabo iskala aado, halkii la raaci lahaa nidaamka dalka u degsan.
Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in qawaaniinta, nidaamka dalka iyo wax lagu heshiiyay la ixtiraamo, si isku’haynta dadka Soomaaliyeed loo ilaaliyo, islamarkaana aysan u dhantaalmin wadajirka iyo midnimada dalka.
Hoos ka daawo hadalka madaxweynaha
PUNTLAND POST