Shirkadda SpaceX ayaa cirka u dirtay Isniintii gelinkii danbe 60 satellite isku mar iyada oo isticmaalaysay duuliyaha dayax kacmeedyada ee Falcon 9, kaas oo shirkaddu ay u adeegsato inay dayax kacmeedyada (satellites) cirka ugu dirto.
Horey waxaa shirkaddu hawada u gelisay in ka badan 140 dayax kacmeedyo ka mid ah Starlink, isla markaasnay ay doonayso inay shirkaddu noqoto tan ugu weyn aduunka ee bixisa Internet ku salaysan dayax kacmeedka (Satellite Internet Broadband).
Tiro dayax kacmeedyo marka hawada loo diro iyaga oo la doonayo inay wada shaqeeyaan waxaa loo yaqaan satellite Constellations, hada shirkadda Starlink ee SpaceX waxay hawada gelisay in ka badan 180 satellite, kuwaas oo ay doonayso inay gaarsiiso in ka badan 12,000 oo satellite mudada dhow.
SpaceX waxaa assaasay sanadkii 2002 Elon Musk waxaana hada u shaqeeya in ka badan 7,000 oo shaqaale waxay degan tahay California, waana shirkadda keliya ee si khaas ah loo leeyahay ee dayax kacmeedyada cirka u dirta.
Arimaha ku saabsan in la helo Internet ka yimaada dayax kacmeedyo, ayaa ah mid hadda tartan badan loogu jiro iyada oo la rumaysan yahay in ay tahay habka keliya ee lagu gaarsiin karo internet ka caalamka oo dhan ama qof walba iyo meel kasta oo aduunka ka mid ah.
Hadda waxaa jira dhawr shirkadood oo iyagu hawada u diray dayax kacmeedyo tiro ah iyo kuwa doonaya inay dhowaan hawada geliyaan kuwooda. Waxaa ka mid ah shirkadaha kale ee aan xusi karno waxaa kamid ah Planet Labs oo hawada gelisay 150 satellite ahna shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka, halka sidoo kale shirkad kale oo laga leeyahay dalka Ingiriiska lana dhaho OneWeb inay doonayso iyaduna hawada sanadkan u dirto in ka badan 650 satellite si ay u bixiso satellite internet broadband. Sidoo kale shirkadda Amazon ayaa doonaysa inay iyaduna hawada geliso 3,000 oo satellite si ay satellite internet uga qayb qaadato.
Shirkadda Starlink ee SpaceX ayaa sheegaysa inay doonayso in bishan Janaayo 2020 dhexdeeda ay hawada u dirayso ilaa 120 satellite oo kale kuwaas oo hawada loo gelin doono 60 satellite markiiba. Shirkaddu waxay doonaysa in tirada satellite ee ay doonayso inay hawada geliso ay gaari doonaan ugu danbeyn in ka badan 40,000 (afartan kun oo dayax kacmeed) si markaas caalamka oo dhan u helaan internet.
Qolyaha cilmiga hawada iyo cirka (Astronomical scientists) ayaa cabasho ka muujiyey in dayac kacmeedyadan bini’aadamku sameeyey ay la socodka hawada iyo cirka khalkhal gelinayaan iyaga oo ku eedaynaya in dayac kacmeedyadan macmilka ah (artificial Satellites) ay aragga habeenkii ee cirka iyo daawashadooda tashuush ku abuurayaan.
Balse SpaceX waxay sheegtay in satellite yada ay dirayso aysan waxbadan muuqanayn mar hadey gaaraan meeshii loogu talo galay inay wareegaan (orbital distance).
Akhristow ogow, si internetka dayax gacmeedka ka imanaya meel kasta loo gaarsiiyo ama loo isticmaalo waxaa loo baahanaya in la helo qalab soo gudbiya internetka oo dhulka meelo badan oo ka mid ah lagu rakibo sida taallooyin iyo anteenooyin qofka dhulka jooga u soo gudbiya internetka iwm.
SpaceX waxay sheegaysaa inay sanadkan dhexdiisa bilaabi doonto in meelo kala duwan oo caalamka ah internetka ka imanaya dayax kacmeedyadeeda la isticmaali doono.
SpaceX waxay qandaraas balaaran oo ku kacaya bilyaaro doolar ka haysataa dawladda Maraykanka hay’adda u qaabilsan dayax kacmeedyada ee NASA, iyada oo cirka u dirta satelliteska ay dawladda Maraykanku hawada geliso iyo weliba u adeegidda dayax gacmeedka caalamiga (International Space Station) iwm.
Siyaad Cali Yuusuf
You must be logged in to post a comment.