Shir ku saabsan Deyn Cafinta Soomaaliya oo ka furmay Addis Ababa

Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Lacagta Dunida ee IMF iyo  Bangiga Adduunka, ayaa maanta shir uga Furmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia.

Shirka waxa looga hadlayaa Dib u-eegista Hannaanka Deynta Cafinta Soomaaliya, sida laga soo xigtay qoraal kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka.

Shirka Dib u-eegista Qeybta  2-aad ee SMP4 oo ah, Hannaanka 4-aad ee Deyn Cafinta dalka, ayaa lagu eegi doonaa wixii ka qabsoomay Barnaamijka Deyn Cafinta sannadkii 2019, caqabadihii lala kulmay iyo sidoo kale Qorshaha Hiigsiga sannadka cusub ee 2020-ka.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay ku raja weyntahay in guud ahaanba dalka laga cafiyo Deymaha, kadib markii sida ay xustay ay laga gudbay inta badan Shuruudihii ku xirnaa Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

PUNTLAND POST