Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku sugan dowlad goboleedka Jubbaland, oo kaashanaya Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, ayaa duqeyn culus ka geystay fariisimo maleeshiyada Al-shabaab ay ku lahaayeen, degaanka Caanoole oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose.
Sidoo kale, Ciidamada ayaa duqeyn kale ka fuliyay xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay tababar ku qaadanayeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo loo diyaarinyay in ay dhibaatooyin ka gaystaan degaannada Jubaland.
Wakaaladda Wararka SONNA, ayaa soo tebisay in sidoo kale ciidamadu duqeeyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeem degmada Jilib oo ka tirsan isla gobalka Jubbada Dhexe, ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo kamid ah Al-shabaab.
Wakaaladda oo xiganaysa Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo ah Taliyaha Ciidanka kumaandoosta Soomaaliya qeybta Jubbaland, ayaa sheegtay in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin.
PUNTLAND POST