Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland, ayaa sheegtay in ay kooxo caafimaad udirtay , degaanka saaxdheer ee konfurta gobolka Sool, kadib markii hallkaasi laga soo sheegay xanuan aan weli la aqoonsan oo dad badan soo ritay.
Wasaaradda ayaa tilmaantay, in iyada oo ka jawaabaysa xaladaha laga soo sheegay degaanka Saaxdheer, ay halkaasi u dirtay Koox Caafimaad, si ay usoo qiimeeyaan ugana qayb qaataan hawlaha caafimaad ee loo qabanayo bukaanada jiifa xarumaha Caafimaadka Saaxdheer.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ka soo xigatay Bahda Caafimaadka degaanka Saaxdheer, in saddexdii casho ee la soo dhaafay ay qaabileen in ka badan 200 boqol oo bukaan ah, kuwaasi oo uu soo ritay xanuunka halkaasi ka dillaacay.
Bukaanada Xarumaha Caafimaadka Saaxdheer jiifa, ayaa waxa soo ritay xanuun isugu jira Quffac, Shuban iyo Xummad, kaasi oo ilaa iyo hadda ay u dhinteen saddex ruux in ka badan 200 oo qofna ay u jiifaan goobaha Caafimaadka degaanka.
PUNTLAND POST