Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa sheegtay qarax xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, oo lagu dhaawacay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Isku’dhafka ah ee gobolka Mudug.
Gaashaanle Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin oo ka tirsan Ciidanka Isku’dhafka ah ee gobolka Mudug, ayaa lagu dhaawacay qarax fiidnimadii xalay ku haleelay xaafadda Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo , kadib markii gaarigiisa loogu sii xiray qaraxaasi.
Dhaawaca sarkaalka, ayaa durbadiiba loola cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo weli lagula tacaalayo xaaladdiisa Caafimaad. Mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Mudug oo saaka la hadlay Puntland post ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee sarkaalka ay aad u wanaagsantahay.
Dhinaca kale, ma jirin cid kale oo khasaare ka soo gaaray qaraxa, oo lagu tilmaamay kuwa Rimuudka laga hago, marka laga reebo sarkaalka ciidan ee gaarigiisa loogu xiray oo isagu ku dhaawacmay.
Gaashaanle Istakiin, ayaa mudda dheer ka soo shaqeeyay Ciidamada Puntland, waxaana uu mar soo noqday Dareewalkii khaaska ahaa ee AUN madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
PUNTLAND POST