Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Manda Bay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen xerada ciidamada Manda Bay ee dalka Kenya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia oo ku qornaa afka Ingiriiska ayaa lagu dhaleeceeyey weerarkii lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Kenya, horaantii maanta.

“Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxay ku biirtay adduunka intiisa kale, iyagoo dhalleeceeyay weerarka fulaynimada ah ee lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Airfield, Kenya horaantii maanta. Weerarka fashilmay ee ka dhashay burburintii kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab oo loogu talagalay shaqaalaha difaaca iyo hantida ayaan carqalad ku noqon doonin dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa ka soo horjeeda nabadda iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay si buuxda u taageerayso dadaallada socda ee lagu ciribtirayo argaggixisada, ayna sii wadi doonto wada shaqeynta ay la leedahay saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, si loo helo nabad.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay amaaneysaa Ciidamada Difaaca Kenya iyo Taliska Mareykanka ee si deg deg ah ee isaga caabiyey weerarka, sidaasna ay guuldarro culus u gaarsiiseen Ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab”.

“Sidaas darteed, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay xaqiijineysaa taageero buuxda oo ku aaddan dadaallada socda ee lagu ciribtirayo argaggixisada, waxaana sii wadi doonaa wada shaqeynta aan la leenahay saaxiibadayada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo helo nabad iyo barwaaqo” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST