Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Isku’dhafka ah ee magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhaawacmay qarax caawa fiidkii loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay xaafadda Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo sida ay xaqiijiyeen saraakiil Amni.
Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin ayaa isbitaalka la dhigay si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad balse weli lama soo werin khasaare kale oo ka dhashay qaraxa.
Sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi inkastoo malayshiyaadka Al-shabaab ay sheegan jireen qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Gaalkacyo
PUNTLAND POST