Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday gudaha Kenya

Malayshiyaadka Al-Shabaab ayaa saaka weerar culus  ku ekeeyay Saldhig ay Ciidamada  Kenya ku leeyihiin degaanka Manda Bay ee gobolka Lamu.

Qoraal ay soo saartay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Guutadooda loo yaqaan  Istish-haadiyiinta ee dagaal-yahannada Al-shabaab ay weerar xooggan ka fuliyeen Saldhigga Ciidamada Kenya ee SIMBA oo ku yaala degaanka Manda Bay.

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale  lagu sheegay in saldhigga SIMBA ay ku sugan yihiin boqolaal ka mid ah Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya kuwaasi oo khasaare badan lagu gaarsiiyay weerarka sida Al-shabaab sheegteen.

Dhinaca kale weli xog sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi marka laga reebo sheegashada Al-shabaab sidoo kalena dowladda Kenya wax war ah kama soo saarin weerarka.

PUNTLAND POST