Al-shabaab oo sheegtay in ay gudaha u galeen Saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya iyo Maraykanka

Xafiiska Warfaafinta ururka Al-shabaab, ayaa qoraal uu soo saaray oo ku qoran luuqadaha Englisha-ka iyo Carabiga, waxa uu faahfaahin uga bixiyay weerar isugu jira qaraxyo ismiidaamin ah iyo dagaal toosa oo waaberkii hore ee saaka malayshiyaadka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanku ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee gobolka Lamu.

Qoraalka Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in Aroornimadii saaka ciidamo gaar ah oo ka tirsan Guutada la baxday Istish-haadiyiinta ee  Al-Shabaab, ay weerar xooggan ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka ee loo yaqaano Camp Simba oo ku yaalla deegaanka Manda Bay ee dhanka koonfureed kaga beegan xadka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, halkaasi oo sida ay sheegeen hoy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, islamarkaana laga soo qaadi jiray hawlgallada Maraykanku ku beegsado Al-shabaab.

Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal-yahannadooda , ay u suuragashay in ay si qarsoodi ah ku galaan gudaha saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya iyo Maraykanka , islamarkaana ay xoog kula wareegeen qeyba kamid ah saldhigaas militari ee sida aadka ah loo ilaaliyo, kadib markii ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada Kenya oo ay weheliyaan kuwa Maraykanka.

Al-shabaab waxay intaasi raaciyeen, in dagaal-yahannadooda gudaha u galay Saldhiga ay burburiyeen agabkii militari ee yaalay xerada, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal iyo gaadiid ciidan waxaana ay tilmaameen in weli dagaalku ka socdo gudaha saldhigaasi SIMBA.

Dhinaca kale, Warbaahinta Maxalliga ah ee waddanka Kenya, ayaa xaqiijisay in uu weerar culus la kulmay saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee gobolka Lamu, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah oo tababara ciidanka Badda Kenya.

Balse weli faahfaahin sugan lagama helin khasaaraha weerarkaasi ka dhashay, marka laga reebo sheegashada Al-shabaab, xilli aysan weli dowladda Kenya wax war ah ka soo saarin weerarkaasi.

PUNTLAND POST