Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha Galmudug ayaa magacaabay Guddi uu ku sheegay Guddiga doorashada Galmudug.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxweyne Xaaf ayaa lagu magacaabay 11 xubnood, oo lagu sheegay Guddiga doorashada Galmudug.
Xubnaha la magacaabay ayaa la faray in ay soo xaroodaan ugu dambeyn 10 Jannaayo 2020, sidoo kale Guddoomiye iyo ku xigeen doortaan 12 Jannaayo 2020.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Khamiistii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa war uu soo saaray kaga laabtay Wakaalashadii uu wakiishay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya, kadib sida uu sheegay markuu arkay faragalin ay dowladu ku heyso Guddiga doorashada Galmudug.
Sidoo kale Xaaf ayaa kalsoonidii kala laabtay Guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug ee 8-dii Oktoober 2019 ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya.
Xaaf ayaa odayaasha dhaqanka iyo saamileyda siyaasadda Galmudug ugu baaqay in ay ka soo qeyb-galaan 25 Janaayo 2020, shir looga arrinsanayo aayaha Galmudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa markii uu yimid Gaalkacyo wuxuu warbaahinta u sheegey in uu ka shaqeyn doono arimaha nabadeynta.
Balse wararka Gaalkacyo ayaa sheegaya in socdaalka Xaaf ay ka dambeeyaan odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Mudug oo ku doodaya saami qaybsiga Galmudug in meel looga dhacey oo aysan jirin boos kamid ah kuraasta sare oo loo reebey beel ahaan, maadaama awal ay hayeen kursiga madaxweynaha Galmudug.
Galmudug ayaa sanadihii ugu dambeeyey ka dhammaan weyday qalalaaso siyaasadeed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.