Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa baajiyay xaflad ku saabsan Xuska sannad-guuradii kowaad ee ka soo wareegtay, markii la doortay oo ku beegan 8-dii January 2019.
Wararka laga helayo xarunta madaxtooyada Garoow, ayaa sheegaya in madaxweynuhu amar ku bixiyay, in gebi ahaanba la joojiyo xafladdaasi, maadaama sida uu sheegay kharash badan oo aan loo baahnayn ku baxayo, xilli ay jiraan degaanno ka tirsan Puntland oo weli loo gurmanayo, kadib markii ay saameeyeen roobabkii deyrta.
Xubno ka tirsan madaxtooyada Puntland, ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu 8-da January qaban doono shir jaraa’id oo caadiya, kaasi oo uu Saxaafadda uga warbixin doono, waxqabadkii Xukuumaddiisa sannad-jirsatay, halkii uu xaflad ka dhigan lahaa.
Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu dhawaan socdaal ku tego magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula yeelan doono mas’uuliyiinta gobolka Bari, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso.
PUNTLAND POST