Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya ansixiyay Heshiiska Damaanad qaadka maalgashiga darafyada badan.
Mudanayaasha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka, ayaa ka hor inta aysan ansixin, waxay dood ka yeesheen qodobada uu ka koobanyahay Heshiiska Damaanad qaadka maalgashiga darafyada.
Xildhibaannada ayaa markii dambe cod gacan taag ah u qaaday Heshiiska, waxaana ogolaaday 139 mudane, hal mudane ayaa diiday 2 xubnood oo kalena waa ka aamustay sida uu shaaciyay Guddoonka Baarlamanka.
PUNTLAND POST