Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Khamiistii galinkii dambe soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka laabtay heshiiskii uu horey ula galay dowladda Federaalka.
War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in uu ka laabtay Wakaalashadii uu wakiishay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya, kadib sida la yiri markii uu arkay faragalinta ay dowladu ku heyso Guddiga doorashada Galmudug.
Sidoo kale Xaaf ayaa kalsoonidii kala laabtay Guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug ee 8-dii Oktoober 2019 ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya.
Xaaf ayaa odayaasha dhaqanka iyo saamileyda siyaasadda Galmudug ugu baaqay in ay ka soo qeyb-galaan 25 Janaayo 2020, shir looga arrinsanayo aayaha Galmudug.
Madaxweyne Xaaf oo markii uu yimid Gaalkacyo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegey in uu ka shaqeyn doono arimaha nabadeynta.
Balse wararka Gaalkacyo ayaa sheegaya in socdaalka Xaaf ay ka dambeeyaan odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Mudug oo ku doodaya saami qaybsiga Galmudug in meel looga dhacey oo aysan jirin boos kamid ah kuraasta sare oo loo reebey beel ahaan, maadaama awal ay hayeen kursiga madaxweynaha Galmudug.
Galmudug ayaa mar kale wajahaysa khilaaf siyaasadeed iyo loolan horleh.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.