
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno ka tirsan Baarlamanka Labada Gole ee dalka ayaa kulan wadashi ah la qaatay, qaar kamid ah Odayaasha dhaqan Galmudug ee ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb.
Wakaaladda SONNA ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale ay Odayaasha kala hadleen sidii loo dadajin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay, iyagoo isku Afgartay dhammaan qodobbadii laysla soo qaaday.
Wafdiga uu hoggaaminaya Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa Magaalada Dhuusamareeb u jooga sidii loo dar-dar gelin lahaa dhismaha maamulka Galmudug loo dhan yahay iyo turxaan bixinta tabashooyinka Bulshada degaannadaasi ku dhaqan.
Muranka iyo khilaafka ugu badan ayaa ka taagan xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Galmudug kadib markii is maan-dhaaf ka dhashay 20 xubnood oo Ahlusunna laga siiyay saamiga Baarlamanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.