Deni oo ku hanjabay in tallaabo ku habboon laga qaadi doono Ciidamada Beelaha

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu aysan ogolaan doonin ciidamo beeleedyada kala duwan ee ka dhisan gudaha Puntland, kuwaasi oo aan ka amar qaadan dowladda.

“ Puntland, ma ogolaan doono Ciidan aan Ciidanka Puntland ahayn, magacu rabo ha sheegto, mid qabiil m ogolin mid argagixiso ma ogolin mid magacyo kale la baxa midna ma ogolin” ayuu yiri madaxweyne Deni oo shalay ka hadlayay Munaasabad ay ku qalin-jebinayeen cutubyo ka tirsan ciidanka madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay, in ay tallaabada ku habboon ka qaadi doonaan, cid kasta oo sheegata ciidan ka dhisan gudaha Puntland, oo aan ka hayn ciidamada dowladda ee diiwaan-gashan, taasi oo sida uu xusay ka horjeedda Nidaamka dowladnimo iyo Dastuurka Puntland.

Mudane Deni , ayaa tilmaamay in uu dhisi doono ciidamo Puntland leedahay oo Nidaamsan, kuna shaqeeya awaaamiirta dowladda, islamarkaan tiradooda iyo tayadooda la hubo, si loo soo celiyo Sumcaddii iyo Sharaftii Ciidamada.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dayaca ay ka cowdaan ciidamada Puntland, ay qeyb-ahaan iyagu sabab u yihiin , maadaama ay qaarkood diiddan yihiin in la diiwaan-geliyo oo la helo tiradooda sugan, si loo tayeeyo.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST