Wasaaradda Kallumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin hor dhac ah ka bixisay kalluun shalay kasoo caariyay Xeebta Magaalada Muqdisho.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kallumeysiga dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kalluunkaas uu kusoo caariyey Xeebta u dhaw Xerada Xalane, isla markaana aysan jirin meel kale oo lagu arkay.
Kalluunkaas oo aad u badnaa ayaa subaxii hore ee shalay lagu arkay Xeebta, waxuuna sheegay Agaasimuhu inuu yahay hal nooc oo yar-yar laguna magacaabo Ceydi, kaas oo kalluumeysatadu ay ku dabtaan kalluunka kale ee waaweyn.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in ay Wasaaradda Kalluumaysigu waddo baaritaan ku aaddan waxa sababay in kalluun intaas la’eg uu bannaanka u soo baxo.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Kalluunka ku jira Xeebaha Soomaaliya ka qaadayaan DNA-ga, si looga hor tago jillaabshada qarsoodiga ah, iyadoo sharciga lala tiigsan doono dalkii lagu arko dekedihiisa.
PUNTLAND POST