Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada madaxtooyada oo tababar loo soo xiray, ayaa ballan-qaaday in uu Puntland ka sifayn doono dadka loo yaqaanno CAAGLAYAASHA oo ku mushahar qaata magaca ciidamada.
“ waxaa nasiib-darro ah, in dad sidaas u soo taagan oo habeen iyo maalin xabbad iyo dhufays ku jira, ay la xaquuq noqdaan kuwa dibadaha jira sidaan warka ku haynno, kuwa magaalaca iska laafyoonayan iyo kuwa gidaaarada isaga qayilaya, wax la aqbali karo maaha runtii.” Ayuu yiri madaxweyne Deni.
Mudane Deni, ayaa sheegay in uu tallaabo cad ka qaadi doono askarta ku shaqeysta habka CAAGLAYAASHA ee mar walba hor-taagan in ciidamada la diiwaan-geliyo, islamarkaana jidgooyada dhigta ama xarumaha dowladda qabsada, markii sida ay wax u rabaan loo yeeli waayo ama la siin waayo mushahaaraad iyo xuquuq aysan lahayn.
“ Waxaa annaga ballan nagu ah, in aan dalkaan Madax-furasho loo haysan doonin mar dambe, haddaa idinku nagu garab istaagtaan, mid meel istaagay, mid ismadoobeeyay iyo mid reero soo kaxaystay, intaba kama aqbalayno horumarinta dalkan in aan uga baqno.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Halkaan ka daawo hadalkiisa
PUNTLAND POST