Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gabiley, ayaa shalay dhagax dhigay Garoon Diyaaradeed oo laga hirgelin doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Dhagax-dhiga Garoonka waxaa wasiirka ku weheliyay, , Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta Puntland Axmed Bashiir Muuse, Maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo iyo xubno kale.
Garoonkan cusub ee laga dhagax-dhigay magaalada Gaalkacyo oo ay dhisayso Shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation (CCECC), ayaa laga hirgelin doona dhul cusub oo loo asteeyay, kaasi oo ka baxsan dhulkii Garoonkii hore ku yaallay.
Garoonka oo sida mas’uuliyiintu sheegeen loo dhisi doono hab Casriyaysan oo heer caalamiya, ayaa shalay la bilaabay Wejigiisa kowaad ay kamid yihiin bannaynta dhulka Garoonka, wareejinta Siliga Garoonka, dhisidda 8 Taawer oo Amniga Garoonka laga ilaasho iyo Astaynta dhulka uu garoonku sida gaarka ah u yeelan doono oo ka caaganaan doona in cid shacab ah ay dhismayaal ka samaystan.
PUNTLAND POST