Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta wadajir ah u ansixiyaan odoroska Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2020-ka.
Kulanka labada Gole ee maanta ayaa la filataa in ay si degdeg ah u ansixinaya odoroska Miisaaniyadda, si loo dhaqan-geliyo sannadka cusub ee 2020-ka oo bilaabanaya maalinta berriya.
Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamanka ayaa horay wasiirka Maaliyadda su’aalo uga weydiiyay odoroska Miisaaniyadda 2020, waxaana su’aalaha u badnaa sida loo isticmaalayo kharashaadka loo qoondeeyay hay’adaha dowladda.
Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020 ayaa oo gaaraysa $459.5 Milyan oo Dollar waxaa ku jira in mushahaarka loo kordhiyay ciidamada Qalabka sida lana gaarsiiyay $200 Dollar bil kasta.
PUNTLAND POST