Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud halkaasi oo uu gaaray gelinkii dambe ee shalay.
Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira sidii loo dhammayn lahaa khilaaf weli ka dhex aloosan Ahlusunna iyo dowladda Federaalka kaasi oo salka ku haya xildhibaanno ay soo xusheen Ahlusunna oo dowladdu diidantahay.
Sidoo kale iska hor-imaad u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna ayaa xalay ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb oo ay ku wada-sugan yihiin labada ciidan.
Ilaa saddex ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen is rasaasaynta dhexmartay labada ciidan ee kala taabacsan Ahlusunna iyo dowladda Federaalka.
Wararku waxay sheegayaan in guddi saraakiil ah loo saaray xallinta khilaafka ka dhashay shaqaaqadii xalay ka dhacday gudaha Dhuusamareeb kadib markii Ra’iisul wasaaruhu kulan la qaatay saraakiisha hay’adaha Amniga magaalada.
Sidoo kale waxa la sheegaya in khilaaf xooggan ka taaganyahay xulista xildhibaannada cusub ee Galmudug gaar ahaanna xildhibaannada ay saamiga u heleen Ahlsunna oo qaarkood dowladdu diiddantahay.
PUNTLAND POST