Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in qaraxii Ex-Control Afgooye ka dhacay uu qorshihiisa lahaa dal shisheeye.
Bayaan kooban oo ay NISA soo dhigtay degalka ay ku leedahay Twitter-ka ayey ku sheegtay in warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in qaraxaas qorshihiisa lahaa dal shisheeye ay u gubdisay madaxda qaranka.
“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye” ayey tiri NISA.
Hay’adda NISA ma sheegin magaca dalka shisheeye ee ay sheegtay in uu qorsheeyey qaraxaas dadka badan ku dhinteen, balse waxay sheegtay in wali baaritaan socdo, ayna la kaashan doonaan hay’adaha sirdoonka qaar kamid ah caalamka.
“Baaritaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis” ayey NISA ku soo gabagabeysay bayaanka.
Qaar kamid ah warbaahinta Turkigu ayaa qoray in qaraxii Ex-Control Afgooye ee duleedka Muqdisho ay ka dambeysay dawladda Imaaraadka Carabta.
Qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof, ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadiisa
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya waxaa Agaasime ka ah Fahad Yaasiin oo saaxiib la ah dowladda Qadar.
Dowladaha Imaaraadka iyo Qadar waxaa ka dhaxeeya khilaaf siyaasadeed oo xoogan, kaas oo bilaamay 2017.
Mid kamid ah warbaahinta Mareykanka ayaa horey Qadar ugu eedeysay qarax iyo dil ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.