Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhuusamareeb gaaray

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in mudada uu Ra’iisul Wasaaruhu  magaalada Dhuusamareeb joogo uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.

Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu sheegat in Mudane Xasan Cali Khayre uu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee degaanka.

PUNTLAND POST