Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee waddanka Turkiga ayaa laga soo xigtay in mid ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Ex kantarool ee loo qaaday Turkiga ay geeriyootay intii isbitaalka loo sii waday.
Aamina Cismaan Kheyre oo dhaawaceeda ahaa mid culus ayaa la sheegay in ay geeriyootay ka hor inta aan la gaarsiin isbitaallada dalka Turkiga.
Illaa afar Isbitaal oo ku yaalla magaalada Ankara ayaa loo kala gudbiyay dhaawacyada, waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga ka qeyb qaadanayaan sidii ehelada la socda dhaawacyada ay uga caawin lahaayeen dhanka Turjumaada.
Dowladda Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixineysa gurmadka dhaawacyada iyo sidii xaaladooda loola tacaali lahaa, waxaana ay horay u soo dirtay Muqdisho diyaarad Militari oo dhaawacyadii liitay ka qaadday Muqdisho.
PUNTLAND POST