
Taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska dowladda Puntland, sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur iyo saddex askari oo kale, ayaa ku dhaawacmay rabshado saaka ka dhacay degaanka Midigale ee gobolka Sanaag.
Goob-joogayaal ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in Rabshadaha ay bilowdeen, kadib markii dad caraysan ay mudaharaad kala hortageen wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo halkaasi gaaray, kuna sii jeeday magaalada Badhan ee isla gobolkaasi.
Saddex Arday oo qeyb- ka ahaa mudaharaadk,a ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen rasaas ay halkaasi ka dhacday, inkastoo aan weli xog dhammaystiran laga helin khasaaraha.
Dadka mudaharaadka samaynayay, ayaa sida la sheegayo waxaa ku jiray qaar hubaysan oo rasaas ridayay, taasi oo keentay in ciidanka la socday wefdiga ay dhankooda rasaas ugu jawaaban.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.