Diyaarad Militari oo laga leeyahay waddanka Turkiga ayaa maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaadday qaar kamid ah dadkii shalay ku dhaawacmay Qaraxii Ex Kantarool oo xaaladoodu liidato.
Diyaraadda oo subaxnimadii hore ee saaka keentay daawooyin iyo dhaqaatiir Caafimaad oo Turkigu ku deeqay ayaa qaaday 16-ruux oo qaba dhaawacyo culus oo u baahan isbitaalo ka casrisan kuwa Magaalada Muqdisho si looga soo daweeyo dalka Turkiga.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sii sagootiyay dhaawacyada laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Waxa uuna Madaxweyne Farmaajo Alle uga baryay Dhaawacyadaas in Cafimaad taam ah ay helaan.
Dhaawacyadda la qaaday ayaa waxaa wehliyo Dhakaatiir u dhashay dalka Turkiga oo kula sii tacaali doono Gudaha Diyaaradda inta ay ka gaarayaan Dalka Turkiga.
PUNTLAND POST