Maxaa maanta ka dhacay degaanka Midigale?

Warbaahinta Puntland Post, ayaa dadaal ku bixisay in ay xog dhammaystiran ka hesho, Khasaaraha ka dhashay shaqaaqo maanta ka dhacday degaanka Midigale ee gobolka Sanaag, halkaasi oo dad caraysan ay mudaharaad kala hor-tageen wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku sii jeeday magaalada Badhan.

Goob-joogayaal ayaa sheegay, in shaqaaqada ay bilaabeen dad hubaysan oo ku soo dhex-dhuuntay mudaharaadka, kuwaasi oo rasaas ku furay Wefdiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, taasi oo ay ku dhaawacmeen Taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur iyo saddex askari oo kale.

Sidoo kale, rasaas ay fureen Ilaalada Wefdiga Guddoomiyaha ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo dhammaantood ahaa Arday ka qeyb-qaadanaysay mudaharaadka looga horjeeday Socdaalka Wefdiga.

Ilaalada la socotay Wefdiga, ayaa sida la sheegay xoog ku kala eryay dadka mudaharaadka ka sameeyay Midigale, oo ka caraysnaa xilka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed, islamarkaana diidanaa Guddoomiyaha cusub Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Wefiga Guddoomiyaha ayaa u sii gudbay dhinaca degmada Badhan, halkaasi oo soo dhaweyn loogu sameeyay, inkastoo xaafado ka tirsan Badhan ay ka dhaceen mudaharaad kale oo ka horjeeda socdaalka Wefdiga.

PUNTLAND POST