Khasaaraha Qaraxii Ex Kantarool oo si rasmiya loo shaaciyay

Guddiga Gurmadka qaraxii Shalay ka dhacay Ex-control Afgooye, ayaa soo bandhigay xog hor dhac ah oo ku saabsan, Tiradda dhismashada iyo dhaawacyadda la geeyay Isbitaalada Muqdisho.

Shaxda Isbitaalada la geeyay Meydadka iyo Dhaawacyada ayaa waxaa ka soo muuqday, Isbitaalada kala ah.

Ibitaal Madiina: 73 Meydad ah iyo 67 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka yaala 52 dhaawac ah, halka 15 qofna Isbitaalka laga bixiyay.

Isbitaalka Erdugan:4 Meydad ah iyo 33 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka yaala 33 qof, mana jirta qof ilaa iyo hadda Isbitaalka laga bxiiyay.

Isbitaalka SomaliSudanes: 1 Meyd ah iyo 16 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka jiifa 10 ruux, waxaana laga bixiyay 5 ruux oo lagu daray, Bukaanada jiifa Isbitaal Erdugan.

Isbitaalka Egyptian: Wax meyd ah lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 2, waxaa weli jiifa hal qof, waxaana laga bixiyay hal qof.

Isbitaalka Shaafi: wax Meyd ah lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 10 ruux, waxaa weli jiifa 9 qof, waxaana laga bixiyay, hal qof.

Kalkaal Hospital: Ma jirin Meyd la geeyay, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 15 ruux, waxaa weli ku jira 4 ruux, waxaana laga bixiyay 11 qof.

Isbitaalka Daaru Shifa: Wax Meyda lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 6 ruux, waxaa weli ku jira 6 qof, mana jiro bukaan laga bixiyay.

Wadarta guud ee tirada Dhimashada la geeyay Isbitaalada Muqdisho waxa ay gaareysaa 79 ruux oo meydad ah.

PUNTLAND POST