
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kulan Isla-Xisaabtan ah la yeeshay, laamaha kala duwan ee dakhli-uruurinta Jubbaland, si uu u hubiyo shaqada ay hayaan, isla markana looga wada hadlo qorshayaasha Sanadka soo socda lagu kobcinayo nidaamka Maaliyada Jubbaland.
Wasaarada Maaliyada Jubbaland, Maamulka Garoonka Diyaaradaha iyo Dekeda Maamulka Degmada Kismaayo iyo Maamulka Hay’ada dhul bixinta, ayaa ka qaybgalay kulankan Isla-xisaabtanka ah oo uu goob joog ka ahaa Hanti dhowraha Guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Ugu horayn, Wasaarada Maaliyadda Jubaland,ayaa soo gudbisay Hanaanka Maaliyadda Jubaland iyo qaababkii uu u korayay Sadexdii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo caqabado ay jireen hadana wax badan oo wanaagsan la qabtay si gaar ahna ay dalalka caawiya Soomaaliya ay la dhacsan yihiin hanaanka Maaliyada Jubbaland, iyadoo waliba loo baahan yahay in dib u habayn baaxad leh lagu sameeyo hanaanka Maaliyada Jubbaland.
Sidoo kale, darafyada ka qaybgalay kulankan ayaa soo bandhigay caqabadaha jira iyo sidii xal loogu heli lahaa, iyadoo waxyaabaha aad diirada loogu saaray ay kamid ahayd, sidii dib loogu habayn lahaa heshiisyada ay Dowladu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka howlgala qaar kamid ah ilaha dhaqaalaha Dowlada iyo sidii isla Xisaabtankan loogu salayn lahaa meelaha ay habacsanaantu ka jirto.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hanaanka Maaliyada Jubbaland loo baahan yahay inuu noqdo mid aamin ah oo ka madaxbanaan musuq ,si taas loo Helena loo baahan yahay isla Xisaabtan joogto ah iyo in sharciga Maaliyada loo maro dhamaan shaqooyinka la xiriira arimaha dakhliga.
Waxaa kulanka maanta kasoo baxay go’aamo wax badan ka badalay hanaanka Maaliyada Jubbaland waxaana kamid ah.
- in dib loogu noqdo dhamaan heshiisyada lagula jiro shirkadaha iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay iyadoo mudnaanta lasiinayo Faa’iidada Dowlada iyo Dadweynahu ay heshiisyadan ku qabaan.
- In bilowga Sanadkan la bilaabo canshuuraha dhiman ee aan hada la qaadin sida canshuurta bariga iyo kastamyada guud ahaan Jubbaland iyadoo Wasaarada Maaliyadu ay noqonayso mid qaadata masuuliyada uruurinta dakhliga guud isla markana ay si deg deg ah uga howlgasho dhamaan deeganada Jubbaland sidii canshuur mid ah looga qaadi lahaa bilowga Sanadkan.
3. In lala dagaalamo musuqa isla markana cidii lagu helo ay mudato ciqaab adag iyadoo loo marayo sharciga.
4. Dib u habaynta canshuuraha iyo in la kordhiyo ilaha canshuuraha laga qaado ayaa kamid ah go’aamada laga soo saaray kulanka maanta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.