Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 80 qof.
Wasiir Cawad ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadka dhibku ka soo gaaray weerarkaas, isagoo u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay bogsasho degdeg ah, waxaana uu sii xoojiyay adkaysiga shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto argagaxisada, iyadoo adkayn doonta nabadgelyada dadkeeda.
Intii uu ku guda-jiray booqashadiisa Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan, oo hore loogu yiqiin Isbitaalka Digfeer, ayaa Wasiirku waxa uu kula kulmay Safiirka Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz iyo Agaasimaha Isbitaalka, Dr. Aşır Eraslan, isagoo uga tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka Turkiga geerida laba injineer Turki ah oo ku naf-wayday weerarkani dhiigga badan ku daatay.
Wasiirka waxa kale oo uu la kulmay guddi xukuumadeed oo loo xilsaarray in ay u gurmato dadka is-qarxintani argagaxiso ku waxyeelloobay, si kuwa dhaawacoodu culusyahay ee dalka lagu daweyn-kari waayay ugu qaado dalalka aanu walaalaha iyo saaxiibada nahay si loogu soo daweeyo.
PUMTLAND POST
You must be logged in to post a comment.